Garbabeel – Pdf | Baashe Library

+ Free Shipping
Categories: ,

Sheeko suugeenaaddan “GARBABEEL” waxaa qoray abwaankii, farxshaxamiistibii, faylasuufkii iyo qoraagii reer Lubnaan Jubraan Khaliil Jubraan. Jubraan waxa uu ku dhashay waciooyiga Lubnaan sanadka markii uu ahaa 1883-dii, waxii ka horreeya labo iyo toban jirkiisii ma uusan helin waxbarasho aasaasi ah maaaddaama reerkiisu ay sabool ahaayeen.
Sanadkii 1895-tii ayay reerkiisa u haajireen Maraykanka
kolkaa ayaa markii ugu horraysay la geeyay dugsi ku yaaala
magaalada Boston.
Halkaas ayuu ka soo bilowday hayaankiisii
farshaxannimo iyo qoraanimo,ilaa uu noqady shakhsi meel
gaar ah kaga suntan suugaanta carabta iyo tan galbeedkaba
maaddaama uu wax ku qori jiray labada luuqadood ee
Carabiga iyo Ingiriisiga.
Jubraan waxa uu ku geeriyooday New York sanadkii
Geeridiisa waxaa sababay Tiibiishisho ka
haleeshay sambabka iyo beer xanuun.
Sheeko faneeddan “GARBABEEL” waxaa la daabacay
sanadkii 1912-dii, waxaa daabacday maktabadda (Mir’aat Al
Garbi” oo ku taal magaalada New York ee dalka
Maraykanka.

Reviews

There are no reviews yet.

Be the first to review “Garbabeel – Pdf | Baashe Library”

Your email address will not be published. Required fields are marked *